Raggeenna Raggoodu Xal ha inoo Raadiyeen!!Dhaqanka Soomaalida, raggu waa laf-dhabarta xalka iyo go’aan qaadashada arrimaha masiiriga ah ee ummadda.
Dhaqanka soo jireenka ah marka laga eego, ragga Soomaalidu weligood ma ay wada ahayn “Talo-keen”, waxase caado ahayd in qaar ragga kamid ahi ay “Talo-raac” yihiin. Hase yeeshee, waayahaan dambe waxa la arkay rag aan labadaas ahayn, kuwaas oo gartu aanay gelin, kana bixin.
Waxa caadi noqotay in ragga Soomaalidu aanay iyagu is indho buuxin, oo ruuxii talo-keenka ahaa taladiisa kii talo-raaca ahaan ahaa aanu qaadan. Raggii Soomaalidu waxay wada noqdeen Talo-diid, marka ay artintu dhexdooda joogto.
Waxa kaaga sii daran, waxa waayahaan dambe la arkay in raggii talo-keenka ahaa ay taladii ay iyagu goyn jireen iyo gartii ay naqi jireen ay ajnabi ku wareejiyeen, talo-raaciina ay ajnabiga ka talo qaataan. Waxa caado noqotay in arrin kastoo ay Soomaalidu dhexdeeda xal u wayso, saamiley ajnabi ahi ay xal u keenaan, xalkaasna markaas lagu qasbanaado in la qaato.
Waxan xusuustaa 1986 aniga oo fasaxa iskuulka ku jooga tuulo Moqokori la yiraahdo oo dhacda xuduudda bari ee gobolka Hiiraan, baa waxa barqo soo galay gawaari gaashaaman iyo ciidan fara badan oo markaas ka amar qaatay Janaraal Moorgan. Ciidanku waxay tuulada ka soo galeen dhanka bari iyo waddada ka timaada degmada Aadan Yabaal (gobolka Shabeellada Dhexe). Ujeedka ciidanka ayaa ahaa in xoog lagu aruuriyo hub la sheegay in dadka deegaanka iyo xoolaleyda xoolohooda ceelka tuulada ka waraabsadaa ay haystaan. Xeeladda loo marayay hub aruurinta ayaa ahayd in ragga tuulada yar iyo weyn la soo qabqabto oo la soo xiro, xoolohoodana la xeraysto ilaa iyo inta laga helayo hub u diiwaan-gashanaa ciidanka weerarka soo qaaday.
Waxay ahayd goor abbaarihii 11:00 am (duhurka hortiis) ahe, aniga oo masjidka tuulada ku jira, uun baan mar keliya maqlay sawaxan iyo qaylo aan caadi ahayn oo is qabsatay. Inta aan soo kacay oo albaabka masjidka soo istaagay, bay indhahaygu qabteen nin aan aqaannay cararaya oo doonaya in uu labadiisa lugood uga baxsado gaari Beebbe ah oo eryanayey. Aniga oo albaabkii masjidka ku gabbanaya, doonayana waxa dhacaya in aan ogaado, baan sidaas tuuladii isha ula sii raacay, mise dadkii tuulada waxad mooddaa quraansho geedkeedii la garaacay, oo hal mar baa la kala yaacay.
Islaan waayeel ah oo sidii iyada oo waxa dhacayaa aanayba khusayn waddada u maraysay, baan weydiiyay sida ay wax u jiraan. Jawaabtii ay isiisay oo ilaa iyo hadda aan soo xusuusto baa ahayd: “Raggeenna raggoodii aa yimiday”.
Dulucda sheekadu waxa weeye, Soomaalidu maanta waxay maraysaa inay is il buuxin weydo oo heshiis iyo talo kala qaadan weydo, cidda talo laga sugaana ay mar walba noqoto beesha caalamka. Waxa xaqiiqo ah in beesha caalamku ay maanta tahay raggeenna raggoodii, xalka ay keenaanna saamileyda siyaasadda Soomaalidu ay ku wada qasban yihiin inay qaataan, xitaa haddii uu yahay mid kahor imaanaya qiyamka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Allow ha ina hoojin, oo khaatimada inoo hagaaji!
Sabriye Musse