Guddoomiyaha xisbiga Sahan, ahna murashax madaxweynaha Soomaaliya Cabdikarim Hussein Guled ayaa salaan iyo bogaadin ugu tagay madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxayna ka wada hadleen Doorka Puntland ay ka qaadan karto geedi socodka Nabada iyo Doorashooyinka Qaranka ee weli lagu muran san yahay,
Musharax madaxweyne Cabdikarim Guuleed ayaa madaxweyne Saciid Deni uga mahadceliyay sida sharafta leh ee isaga iyo wafdiga la socday loogu soo dhoweeyay caasimadda Puntland ee Garowe.
Cabdikarim Guuleed iyo wafdiga la socda oo lagu casuumay Madshada Aragti wadaaga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah madax sare oo galabta ka qeybgalaya furitaanka kulan sanadeedka ee machadka Cimi baarsita iyo Daraasaadka Heritage.
Report: Yuusuf Mohamed Adam (YUUKAANA)