Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Maamulka Goboleedka Hirshabelle, oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa maanta ka qabsoomay Magalada Jowhar.
Ajendaha loogu hadlaayey Kulankan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Hirshabelle Xildhibaan Yusuf Macalin Xassan Jeele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Sanadka 202,
Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdiwaxiid Maxamed Xussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada.
Geba gebada kulankan ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go’aan ka gaaran Miisaaniyada Maadaama Sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 go’aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan Howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle
Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021 waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed, waxaana ogolaaday 71 mudane waxaa diiday laba mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay, waxaana sidaasi lagu ogolaaday Miisaaniyada 2021