Madaxtooyda Soomaaliya oo soo dhoweeysay Khilaafkii u dhaxeeyey Dowladaha Sucuudi Carabiya iyo Qatar, dedaalkaasi oo garwadeen ka aheyd Dowladda Kuwait, ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray, war qoraal ah ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka kuweit ayaa beyaankan lagu sheegay, in labada dowladood laiskugu furo Bada beriga iyo Cirka, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, iyo Masar ayaa xayiraad saaray dalka yar ee hodanka ah ee Qatar bishii Juun 2017 ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto.
Hadaba war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa sidan lagu yiri,
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.
Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.