Waxaa maanta magalada Baydhabo soo gaaray Qaar ka mid ah Guddiga doorashada ee lagu muran sanyahay kuwaasi oo tawabaro ugu maqaa Muqdisho.
Illaa 12 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ayaa la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii u horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, iyadoo la isku khilaafsan yahay hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September.
Warar qaar ee la xiriira Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa sheegaya In uu jiro heshiis lagula galay oo ah inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare, waxaana heshiiskaas ka mid ahaa xilal loo magacaabay labo xubnood oo uu Madaxweyne Lafta Gareen soo gudbiyay kuwaasoo loo kala magacaabay xilalka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
Guddigan doorasho oo ay hore u diideen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa jadwalo ay hore u soo saareen noqon waayay kuwo dhaqan-gala.