Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa aqbalay dadaaladii uu waday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor oo ergo ka ahaa Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland, si loo xaliyo caqabadaha ka jira doorashooyinka Qaranka.
kulamo qaatay saacado badan ayaa shalay illaa xalay waxaa uu Muqdisho ku dhex maray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo dhinac ah iyo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabadsugida Fahad Yaasiin.
Kulamadan oo soo bilowday shalay duhurkii ayaa kulankii u horreeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed waxay la yeesheen Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.
Kulankan ayaa la shegay in looga hadlayay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta Gobolka Gedo iyo arrinta doorashada Gobolada Waqooyi.
Intaas kaddib Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, kulankaas oo shalay gelinkii dambe bilowday ayaa illaa xalay saqdii dhexe soo gaaray.
Dhaka kale Shabakada Jowhar.com oo aan ka soo xiganay in ay heshay warbixin ah In uu Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay ergadii uu keenay Madaxweyne Qoorqoor, iyadoo la isku fahmay in arrinta Gedo la xaliyo doorashada ka hor, lana furo dib u heshiisiin labada dhinac.
Is fahamka ayaa waxaa qeyb ka ah kuraasta Gedo, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in saddex kursi la kala bedesho, oo ah kuraas si gaar ah loo daneynayo oo kala taalla Garbahaarey iyo Kismaayo.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa laga war sugayaa inuu jawaab ka keeno Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku wada sugan Garowe.
Dhinaca kale waxaa iyana is faham hordhac ah laga gaaray arrinta muranka ka taagan doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, sidoo kale waxaa is bedel kooban lagu sameyn doonaa Guddiyada muranka ka jira.