Kongareska dalka Mareykanka ayaa ansixiyay Joe Biden iyo Kamala Harris in ay kala yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka Mareykanka,
Natiijada doorashada ayaa waxaa ansixiyay labada aqal ee Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, kuwaasoo laalay diidmadii laga muujiyay codadka gobollada Pennsylvania iyo Arizona.
Kulankii caadiga ahaa ee Kongareeska ayaa la hakiyay shalay markii taageerayaasha Madaxweyne Trump ay weerareen dhismaha Capitol Washington. Kulanka ayaa la soo celiyay isla markaana sii socday kaddib markii la kala cayriyay dibadbaxayaasha.
Madaxweyne Trump ayaa haatan soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegayo inuu u hoggaansamayo xil wareejinta 20-ka Janaury, balse wuxuu ku celiyay sheegashada been abuurka ah ee in doorashada lagu shubtay.
“Inkastoo aan gebi ahaanba ka soo horjeedo natiijada doorashada, xaqiiqduna ay caddeyneyso, haddana xil wareejin ayaa dhici doonta 20-ka January,” ayuu ku yiri qoraal lagu soo daabacay akoonka barta afhayeenkiisa ee Twitter-ka. Twitter-ka ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay akoonka madaxweynaha.
In ka badan 60 kiisas ah oo ay gudbiyeen kooxda ololihii Trump oo lagu diidayo natiijada doorashadii November ayaa guul darreystay.