Wararka naga soo gaaray gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in dagalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo 30km u jira Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Alshabaab ayaa la sheegay inay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta degaanka, kadib dagaal socday muddo saacado ah ayaa geeystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee xalay dagaalamay.
Ugu yaraan labo Askari ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen,balse waxaa jira warar sheegaya in khasaaruhu inta ka badan yahay.
Al-shabaab ayaa dhawanahaan waxaa dagaallo xooggan ay ka wadaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana xusid mudan in degaaanno ka tirsan Gobolka Mudug ay Al-shabaab kula dagaalamaeen dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ay dagaallo dhowr jiho ah ay ka wadaan Gobolka Galgaduud.