Mogadisho: 18/1/ 2021. Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdisalan Yuusuf Guuleed oo Wareysi siiyey Idaacada Kulmiye oo fadhigeedu yahay magalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidan Soomaali ah oo tababar loogu qaaday Asmara oo gaaraya 370 askari ay ku geeriyoodeen Dagaalkii Tigreega,
Taliye Guuleed ayaa waxaa uu hordhaca baaritaankiisa ku sheegay in 370 Askari Soomaali ah lagu dilay Dagaalkaas.
“Xiriiro aan la sameeyay meelo kala duwan, waxaan aad uga naxay oo xanuun ah in la sheegayo inay dhinteen boqolaal dhalinyaro ah, ayna dhaawacmeen boqolaal kale oo ciidamo Soomaali ah dagaalkii gobolka Tigray”ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli aan ka hadlin geerida 370-ka askari, oo la sheegay in Dagaalkaas lagu la' yahay.
baaristan ayaa waxay u gaar tahay Taliye kuxigeenkii hore ee NISA.
#ArlaadiNews
News
