adaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale culeys ku saaraya Dowlad Goboleedyada Galmudug K/galbeed iyo Hirshabelle inay bilaabaan doorashada Aqalka sare ka hor 8-da February,
kulan xalay uu la yeeshay Xubno ka mid ah Guddiyada doorashada heer Federaal ee ay soo magacaabeen Dowlad Goboleedyada ayuu kula dardaarmay inay doorashada bilaabaan todobadka soo socda.
Ilo ku dhow dhow xubnaha Madaxweynuhu la kulmay oo kala ahaa kuwa Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa sheegaya in la faray in Todobaadka soo socdo inay tagaan xarumaha Dowlad Goboleedyada, si doorashada aqalka sare u qabtaan, iyadoo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada soo saari doonaan liiska Musharaxiinta kama dambeys maalinta sabtida.
Dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa tallaabadan u arkaan, haddii dowladdu qaado inay dalka gelin karto kala qeybsanaan siyaasadeed hor leh.