Dr Abiye Axmed R/wasaaraha Dalka Itoobiya wasaaraha ayaa goor dhaweyd Tvga Itoobiya ee EBC laga baahiyey, isagoo booqasho kusameynaya xarumo kala duwan, ee addis-ababa.
Dr Abiye Axmed Raiisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya ayaa beryahan si weyn loo hadal hayay xaaladda caafimaadkiisa,iyadoo wararka qaar ay sheegayeen in caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Talyaaniga.
“Waxaan maanta booqday dhaawacyada militariga iyo dadaka shacabka ah,waxay qabteen shaqo mutadawacnimo ah,waxaa ay yihiin dad amaan mudan shaqo adag ayay qabteen,waxay ku soo dhaawacmeen howlgalkii sharci fulinta, qaar kamid ah dibadda ayay ka soo laabteen si shacabkooda ay ugu adeegaan marka dadka nuucaasi ah in aan dhiirogelino waaye”. Ayuu yiri Dr Abiye Axmed.
Maalmihii u dambeeyey aya soo baxeen wararka sheegaya in uu dhintay, taas oo u muuqata mid meesha ka baxaysa, Dad badan ayaa horey u sheegay warka ah dhimasho, taas oo ay Itoobiya beenisay.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socday dagaal u dhexeeyey dowladda iyo maamulkii Tigreega,inkastoo la soo afjaray hadana waxaa ay taasi noqotay culeys siyaasadeed oo dowladda soo wajahay.