Thursday, 22 April 2021
English

N News

Waqtigii dhamaadaye maxaa u dambeeya Villa Somalia?

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe shirjaraa’d ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kujiraan,doorashooyinka,xayiraada Bulshada ee Covid-19,qoraal ka soo baxay Kenya ee kiisaka badda ku saabsan iyo Golaha dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay wasiir dubbe in Dowladda Soomaaliya ay u diyaar garowday qab soomidda shirka uu ku baaqay madaxwenaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,wuxuuna xusay in shirkaasi oo ka dhici doono  Teendho ku taala xarunta Afasiyoono oo ammaankeeda ay gacanta ku haayaan Ciidanka AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay wasiir dubbe in ay ka xuntahay golaha badbaadada qaran ee dhawaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay,kaasi oo ay ku mideysan yihiin,Madaxweyneyaashii hore,guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland,iyo siyaasiin kale,wuxuuna ku tilmaamay gole mucaarad ah.

Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday kiiska badda,wuxuu sheegay in hadal diplomaasiyadeed uusan ahayn qoraal shalay ay soo saartay Kenya oo ay ku sheegtay in cadaalad darro iyo cabsida Covid-19 darteeda ay uga baaqsatay dacwadda badda oo Soomaaliya ay kala dhexeyso.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu wasiir dubbe xusay in dhanka kale xayiraadii Covid-19 lagu kordhiyay muddo 2 isbuuc ah,islamarkaana laamaha ammaanka la faray in ay fuliyaan go’aanadaasi.

Hanaanka Doorashada 2021 ayaa aad uga duwan marka loo fiiriyo doorashadii 2012 Shariif SHeekh Axmed iyo Xasan Sheekh maxamuud taasi oo jawi degan ay ku qabsoontay,islamarkaana xilka loogu kala wareegay,sidoo kale 2020 Xasan Sheekh iyo Farmaajo, balse 2021 ayaa u muuqataa mid weli aan kala cadeyn.

Waqtigii doorashada ayaa caadiyan la dhaafay,iyadoo dowladdu aanay guul ka gaaran doorasho ka dhacda Dalka,taasi oo siyaasiintu ay ku tilmaameen fashil siyaasadeed oo soo wajahay Villa Soomaaliya.

Xarig jiitanka siyaasadeed ayaa soo socday in muddo ah,waxaana ay ka soo bilaabatay xil ka qaadistii Prof. Maxameed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore e Golaha Shacabka,iyadoo uu soo wehliyo Xasan Cali khayre raiisul wasaarihii hore,waxaana dhamaan dhacdooyinkaasi lagu tilmaamay in ay u dheceen qaab sharci daro ah.

Waxaa cadaadis la saaray siyaasiin badan oo ay kujiraan madaxdii hore,kuwaasi oo xitaa villa Somalia ay ka hor istaagtay duulimaadyo dhowr ah iyo in ay qabsadaan kulamo siyaasadeed.

Dadka odoroosa arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa tilmaamaya in Farmajo uu ku guuleystay oo kaliya musharaadka shaqaalaha iyo ciidanka,balse siyaasadii kale gebi ahaanba is dardartay.

Su’aasha taagan ayaa ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya maxaa u dambeyndoona,marba hadii xaalka uu marayo fulinta amarada beesha caalamka iyo QM, halkii Soomaaliya dhexdeeda ay tashan lahayd.

Arlaadi is an independent Somali News site owned by Arlaadi Media Group We provide you with the latest breaking news and videos straight from the Horn of Africa.

Tel:

+0123 4567 8910

Newsletter

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit.