Thursday, 22 April 2021
English

N News

Alshabaab oo duqeyn khasaare dhalisay ka geystay Muqdisho

Labo qof oo kala ah, aabe iyo wiilkiisa oo umul lagula jirey ayaa geeriyooday, halka shan kale ay dhaawacmeen ka dib markii saaka hoobiyeyaal ay soo tuureen Alshabaab ku dhaceen xaafad dad shacabka degan yihiin oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen ehelada.

 

Hoobiye ku dhacay guri ay degan yihiin qoys ka kooban sideen xubnood, ayaa waxaa ka geeriyooday Allah u naxariistee, Cumar Aamin Maxamed iyo wiilkiisa, sidoo kale waxaa dhaawacantay afadiisa oo umul aheyd.

 

Abuukar Aamin Maxamed, oo la dhashay ninka geeriyooday ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka sidoo kalena meydka walaalkiis la geeyay xarunta dambi baarista ee CID.

 

“Walaalkey maqaadiir ilaahay ayaa ku dhacday, tan khasaare ma ahaan ee waa hoog,” ayuu si dareen leh u yiri Abuukar.

 

Muuqaalo goobta laga soo duubay ayaa lagu arkay dhiig badan oo dhex daadsan guri ka sameysan jiigad oo ay ku noolaayeen qoyska musiibada ku waabaristay saaka.

 

Alshabaab, ayaa ka dambeysay falkan argagax leh ee qoyskan Soomaaliyeed ku habsatay saaka, waxay madaafiic ku garaacaan meelaha shacabku degan yahay, kani waa  uu qeyb kamid ah ficilada dadka naxariis la’aanta ku sifoobay ay ku kacaan.

Arlaadi is an independent Somali News site owned by Arlaadi Media Group We provide you with the latest breaking news and videos straight from the Horn of Africa.

Tel:

+0123 4567 8910

Newsletter

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit.