Iyadoo muddooyinkna dambe aanay jirin wax shirar ah iyo agendayaal horyaalay golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya saaka yeelanaya kulan deg deg ah.
Inkasto uu jiro shaki weyn oo ku aadan dhanka ajandaha ah ayaa hadana fariin loo diray xildhibaanada oo ay heshey warbaahinta ArlaadiNews waxaa lagu sheegay in agendaha uu yahay Covid-19,islamarkaan la soo xaadiri doono 9:000 subaxnimo.
Warar hoose ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn uu yahay muddo kororsi oo ay ku taamaysay dowladda waqtigeedi uu dhamaaday,iyadoo garab iyo taageero looga raadinayo xildhibaanada baarlamaanka oo 2 dhinac u kala qeybsan.
Arrintani ayaa waxaa ay muujinaysa in shirarka dib u heshiisiinta ay garwadeen ka tahay beesha caalamka uu haadaan ku sii dhacayo oo fashil ku dhow yahay,marka loo fiiriya waaqicga taagan iyo ad adeega Farmajo.
Dadka naqdiya siyaasadda Madaxweyne Farmajo ayaa qaban tuhun la xiriira in uu gadaal ka riixayo muddo kororsi,iyadoo laga faa’ideysanayo xarig jiitanka siyaasadeed o daba dheeraaday iyo xiisada oo circa isku shareertay.
Guddoomiye Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo ah qof siyaasadiisa aan la bixin Karin ayaa u muuqda in uu uqaban aragtida ah muddo kororsi,balse siyaasiinta u dhoondoloola xaalka siyaasadeed oo marka dhan isku roga ayaa aaminsan in Mursal uu mar un fursad ku raadinayo Farmaajo oo beri hore khilaaf dhexmaray dartii looga jartay adeegiiyadii muhiimka u ahaa xafiiskiisa.