Madaxweynaha Xilkiisa sii dhamaanaya ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Gaalkacyo iyo kuxigeenkiisa waxaa uuna isla markiiba magacaabay Guddoomiye iyo kuxigeen kumeel gaar ah,
Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug mr, Xaaf ayaa lagu sheegay in lagu kala diray Golihii deegaanka Gaalkacyo, waxaana la sheegay in muddo 90 cisho lagu soo dhisi doono gole deegaan cusub oo ay yeelato Galkacyo.
Maamulka Degmada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug ayaa horay waxaa u soo dooran jiray Gole deegaan, kuwaasoo dooran jiray Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa, hasa-yeeshee Golaha deegaanka ayaa muddo xileedkoodu dhamaaday.
Xaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Gaalkacyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeedo maamul dhisida ka socota Dhuusamareeb, waxaana uu maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu Wakaaladdi kala laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS.