Shabakadda Wararka Arlaadinews.com oo diiradda ku heysa maamul u sameynta Galmudug oo muddo dheer soo jiitameysay ayaa heshay xog muhiim ah oo la xiriirta hardanka u dhexeeya dowladda dhexe iyo mucaaradka oo u muuqda inay dhinac ka soo wada jeesteen.
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ku shiray siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaradka oo sameystay isbaheysi ay ku mideynayaan awoodda ay u leeyihiin inay iska caabiyaan musharraxiinta ay wadato dowladda Soomaaliya oo u tartamaya xilalka Guddoomiyaha Baarlamanka, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha oo ay u wataan Cabdi Dheere iyo Axmed Abdi Kaariye Qoor Qoor.
Waxaa maanta kulan isugu yimid Musharaxiinta kala ah C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wadajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, balse taageero ka heysta Ahlusuna.
Dhammaan Musharraxiintaas iyo qaar kaloo loo badinayo inay la midoobi doonaan waxay heshiis ku yihiin inay codadka isa siiyaan ama ugu yaraan isu tanaasulaan oo ay iska war hayaan, dhinacna uga soo wada jeestaan Musharraxiinta ay dowladda dhexe wadato.
Galmudug oo ku dhawaad sanad aheyd maamul la'aan ayaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay inuu wakaaladdi kala laabtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya wuxuu isna saldhig ka dhigtay Gaalkacyo oo beeshiisu degto, wuxuuna dhisayaa dowlad goboleed ka duwan kan ay dhiseyso dowladda dhexe, waxaana taas meesha ka saari kartaa rajadii aheyd Galmudug loo dhan yahay.
Halkan kala soco wararka la xiriira Soomaaliya oo dhan wixi aragti ah nala soo wadaag, waxaan u taagannahay inaan soo gudbinno codka dadqweynaha.