Musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug ayaa maanta hadal ka hor jeedin doona xubnaha Baarlamanka Galmudug ee dhawaan la soo xulay, waxaana seddexdoodaba sida sharcigu qabo kamid yihiin Mudanayaasha Baarlamanka.
Musharraxiinta maanta ka hor hadli doona Baarlamanka Galmudug ayaa kala ah Maxamed Nuur Gacal oo ka soo jeeda deegaanka Ceelbuur, Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan iy Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka soo wada jeeda deegaanka Ceeldheer.
Loollanka ugu adag ee guddoonka Baarlamanka loogu jiro ayaa ah mucaaradka oo garab taagan deegaanka Ceeldheer musharraxiinta ka soo jeeda iyo dowladda oo wadata musharraxiinta Ceelbuur, hadii si' kale loo dhigo Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal waxay isku reer yihiin Ra'isal wasaare Xasan Cali Kheyre halkan Xildhibaan Abdinasir iyo Xildhibaan Abdullahi ay isku reer yihiin Madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxaa la tijaabinayaa awoodda mucaaradka iyo garabka Ahlu sunnah dhinaca uu la safan doono maadaama iyagu aysan wadan musharrax gaar ah oo u tartamaya guddoonka Baarlamanka Galmudug, waxayna guushu u badan tahay halkii ay kala raacaan Ahlu sunnah, mucaaradka iyo Nabad iyo Nolol.
Loollanka Galmudug wuxuu tusaale u yahay tartanka doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhacdo 20/21, se' la arki doonee cidda u harta Galmudug oo ku guuleysata hoggaanka dowlad goboleedka ay sideedda bilood la soo rafaneysa Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.