Waxaa Magalada London si weyn loogu soo dhoweeyey Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ahna Senator ka tirsan Aqalka sare, halkaasi oo safar shaqo uu ku billaabayo iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha Xisbiga,
Garoonka Diyaaraha ee London ayaa Senator Ilyaas waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta Xisbiga Himilo Qaran ee garabka UK.
Waxaa la Qorsheynayaa in Senator Ilyaas Cali Xasan uu magaalada London maalmaha uu joogo ee soo socda ku qaban doono howlaha la xiriira dar-dar gelinta Xisbiga oo ah mid ka mid ah xisbiyada ugu weyn Soomaaliya.
Xisbiga Hamilo Qaran ayaa isku diyaarinaya inuu ka qeyb galo doorashooyinka la rajeeynaayo in ay sanadkan ka dhacaan dalka, wuxuuna ka mid ah xisbiyada la filayo inay guulo weyn kasoo hooyaan Doorashooyinka Xildhibaanada iyo tan Madaxtinimada Dalka ugu sareeysa