Madaxweynaha Dowlad goboleed Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Waxaa uu Magacaabay maamulka degmada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay afar xubnood oo kala gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, labo guddoomiye ku-xigeen iyo xoghaye.
Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed halka guddoomiye ku xigeeno loo magacaabay Cabdi Xaashi Caroole iyo C/xakiin Cabdulaahi Warsame,sidoo kale xoghayaha maamulka degmada ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan.
Halkan ka aqriso wareegtada magacaabista gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb;