Maamulka Degmada Saraakiisha Ciidanka Odayaal iyo Ururka Haweenka Buurhakaba oo ku sugan Xerada Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed ee Degmada Buurhakaba ayaa waxay Codsi u direen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kooonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ay kaga codsanayaan sidii ay Xuquuqdooda u heli lahaayeen,
Odayaasha dhaqanka iyo Haweenka oo ugu horeeyn la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Har iyo Habeen ay Diyaar u yihiin Difaaca Deegaanka iyo Ka Hortaga Al Shabaab hasayeeshe ay ka gaabiyeen Maamulka Koonfur Galbeed, waa kuwan Odayaasha oo ka hadlaya Xaalada Ciidanka iyo Marxaladaha Adag ay ku shaqeeyaan ,
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed iyo Abaan duulaha Ciidanka Maxamednuur Cabdisalaan oo ugu dambeeyn la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay hoosta ka Xariiqeen in Dedaalkooda Ciidan u shaqeynta Bulshada ay sii wadi doonaan ilaa Dowladu ay ka garato, sidoo kale Mauuliyiinta ayaa waxay ku dareen in ay u Hogaansan yihiin amarka iyo Shuruucda Ciidanimo ee Dowlada, Xuquudoona la siiyo,
Ciidanka Ku saugan Buurhakaba oo dhowr jeer Weeraro joogta ah ku qaadeen Uarurka Al shaabaab ayaa waxay howl galo kala duwan ka sameeyeen Tuulooyin iyo Deenaano hoos yimaada Buurhakaba,