Guddomiyaha Degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Axmed oo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo Wasaarada Amniga Gudaha Koonfur galbeed, ayaa Xilka Taliye Ururka iyo ku xigeenadiisa ku wareejiyey Taliyaha Uruka Cusub ee Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba oo dhowaan la soo magaabay Gaashaanle Fatiir Cakuus Ibraahim, waxaana Xilka uu kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba Xidigle Ibrahim Maxamed Ibrahim Leeysaamoow.
Saraakiishan oo la soo magacabay dhamaadka sanadka 2019 ayaa maanta dhaqan gashay in la Xilka la wareejiyo, ka dib markii Khilaaf mudo soo jiitamaayey oo u suura gali weeysay in saraakiishan Xilka la wareegaan.
Munaasabadan kooban oo ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba Cabdi maxamed Gudoomiyaha Maxakamada Degmada Buurhakaba iyo Malaaq Maadey Xasanow IIdoow(Maadey Bohoraad) ayaa waxay Saraakiishan Cusub kula dardarmeen in si wada jir ah u wada shaqeeyaan Xasilinta Degmada Buurhakaba iyo in muhiim ay tahay in la fuliyo Amarka Madaxda sare Dowlad goboleedka koonfur galbeed