Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere ee Gobolka Benadir.
Ujeedka dhagax dhigan ayaa ahaa mid ay dowladda Hoose ee Xamar ugu tala gashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Baarlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1960.
Cumar Finish oo ah Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ay wehliyeen kuxigeenkiisa iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladaha Dhismaha Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan’ ayaa waxay sheegeen in xaruntan ay tahay meel taariikhi ah oo wixii hadda ka dambeeya dadka u soo dalxiisi doonaan. Gudoomiyaha oo ka hadlay waxaa uu yiri
"Waxaan maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere oo ay ka muuqato burbur iyo dayac xoogan oo sababtay rabshadihii dalka ka dhacay.
Waxaan kula dardaarmay howl wadeenada ka howlgalaya dib u dayactirka xarunta Ex Baarlamaan in ay da-dajiyaan si goobta ay noqoto mid ay bulshada u dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda dhismahaan.
Xarunta Ex Baarlamaan ayaa ka mid aheyd goobihii ay ku burbureen dagaaladii sokeeye, waxaana ay noqon doontaa goob taariikhi ah oo lagu xusuusan doono burburkii dalka, waxaana iyada oo dhismaha burburdan taagan hareerihiisa lagu beeri doonaa beero, lagana dhisi doonaa Jardiinooyin.